Home arrow Siyaasadda | Somaliya arrow Ciidamo Itoobiyaan ah oo gaaray Degmada Buulo Burte.
Halaagii Dhacay Looma Kala Harin
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:851
Date:30-11-2008
SOMALI STARZ TEAM IN SEATTLE XAWAALADA IFTIN
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:350
Date:23-11-2008
Somali Army 70´s and 80´s
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:770
Date:13-11-2008
BEST NIIKO-WAA IDILAA
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:1247
Date:13-11-2008
Ciyaarah Dhaqanka Somali, Oromo, Cafar
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:456
Date:13-11-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

What type of government should Somalia have?
 
How do you rate President Abdullahi Yusuf?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Apr 01 2008
Ciidamo Itoobiyaan ah oo gaaray Degmada Buulo Burte.
Written by Ali Moallim   
Tuesday, 01 April 2008

Bulo burde,(insidesomalia.org)- Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Itoobiya oo maalintii shalay ahayd ka dhaqaaqay duleedka Jante-kuundisho ee Magaalada Beledweyne ayaa goor dhaw gaaray Degamada Buula-burte ee Gobalka Hiiraan, kadib markii ay halkaa isagga baxeen xoogagii maalintii shalay la wareegay gacan ku heynta Magaalada.

Ciidamada oo ku hubeysnaa Gadiidka Dagaalka ayaa ka hor inta aysan gudaha u galay Degmadda Buulo-burte waxaa ay gaareen sidda wararku sheegayaan Deegaanka Abuurey halkaas oo ay ka soo kaxeeyeen Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) iyo qaar ka mid ah Gaadiidkiisa Dagaalka oo hadda ku wada sugan gudaha Magaalada Buulo-burte.

Dadka ku dhaqan Degmada oo si weyn uga cabsi qabay iska hor-imaad dhexmara kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo Ciidamada Itoobiya ayaa si weyn u soo dhaweeyay in ay ka baxaan Magaalada kooxihii maalintii shalay ahayd la wareegay taas oo keentay in si nabad ah ay ku gaaraan Ciidamada Itoobiyaanka.

Qaar ka mid ah dadka rayidka ah ee ku dhaqan Degmada Buulo-Burte ayaa u sheegay HOL in markii ugu horeysay la helay fursad lagu soo uruuriyo meydadka dadkii maalintii shalay ku geeriyooday Dagaalka oo ilaa shalay aan laga qaadin goobihii ay ku dhinteen, waxaana wararku intaas ku darayaan in uu sii badanayo khasaaraha ka dhashay dagaalkii maalintii shalay ka dhacay Degmada Buulo-burte.

Inkastoo mar kale ay dib ugu soo laabatay Degmada Buulo-burte gacanta Maamulka Gobalka Hiiraan oo kaashanaya Miletriga Itoobiya ayaan hadana la ogeyn waxa is badali kara marka ay halkaa isaga soo baxaan Ciidamadda Itoobiya, maadaama wali kooxaha ka soo horjeeda Siyaasada Dowladdu yihiin kuwo ku sugan Deegaano aan ka fogeyn Degmadda Buula-barte.

Dhinaca kale waxaa degan xaaladda Deegaanka Halgan ee Gobalka Hiiraan oo ah halka maalintii shalay dagaalku ka bilowday, laakiin wali waxaa jirta cabsi laga qabo in halkaas ay soo galaan kooxaha ka soo baxay Degmada Buulo-burte taasoo keeni karta in ay soo baadi goobaan Ciidamadda Itoobiya.

Si kasataba waxaa la oran karaa Dagaalkii shalay ka dhacay Degmada Buula-barte ilaa Halgan waxaa uu ahaa kii ugu qaraaraa ee soo mara Gobolka Hiiraan marka laga soo tago dagaalkii looga adkaaday Midowgii Maxkamadaha ee ka dhacay Deegaanka Kala-beyr ee Gobalka Hiiraan.


Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >